Beerta Kubota Garden (Seattle)

  • By David Wilma
  • Posted 3/08/2001
  • HistoryLink.org Essay 3077
See Additional Media

Beerta Kubota Garden, oo ay Wakaalada meelaha lagu ciyaarro iyo beeraha lagu nasdo (Parks and Recreation) ee koonfur-bari ee Seattle, waxay isku dartaa dhirta hidaha u leh waqooyi-galbeed iyo nashqadaha beeraha hidaha ah ee Jabaaniiska, kuwaasoo muujinaya buuro, dooxooyin, iliilimo, dhijaamo, biyo- dhacyo, iyo dhagaxaanta dhulka ka muuqda. Way furan tahay sannadka oo dhan,galistuna waa bilaash. Illaa intuu noolaa waxa beerta ka shaqeynayay ninka la yidhaa Fajitaro Kubota (1879-1973), wuxuu yimid kobolka Washington,isaga ka soo socdaalay dalkaa Japan. Inkastoo aanu hore u tabobarnayn, Kubota wuxuu noqday nin beeraha xirfad ku leh, isagoo aasaasay sharkada Kubota Gardening Company 1923kii. Afar sano kadib wuxuu iibsaday afar akar oo ah biyo-fadhiisi laga tagey oo ku yaal Renton Avenue S oo u dhaw Rainier Beach (isagoo isticmaalaya magaca saaxiibkii, si uu u badbaadosharciyadii u diidayay dadka Jabaaniiska ah inay dhul ka iibsadaan Gobolka Washington, waxaanu bilaabay inuu horumariyo beerta. Kubota wuxuu u raray qoyskiisa beertiisa 1940, wuxuu la wareegay dhul badan si uu u gaadhsiiyo baaxadda dhulkiisa 20 akar. Qoysku wuxuu ku xannibnaa Minidoka, Idaho, karantiimadii Jabbaaniiska muddadii Dagaalkii II ee Adduunka, laakiin wuxuu soo noqday 1945 si uu u soo ceshado una sii wado horumarinta beerta. 1962kii Kubota wuxuu dhisay beertii buurta dhinaceedda ku taalay ee 65 fiit joogeedu ahaa, oo lahayd dhijaamo iyo biyo-dhacyo; dabadeedna wuxuu ku daray kaabad dayaxa laga arko iyo biriish dayaxa laga arko. 1981kii, siddeed sano kadib geeridii Kubota, beerta waxa la caddeeyey inay tahay meel magaalada ahmiyad u leh. 1987 Dawlada Hoose waxay iibsatay hantida iyo Beertii Kubota si ay u noqdaan beer dadwayne.


Sources:

Mary Anne Parmeter, "A Brief History of the Kubota Garden," The Kubota Garden Foundation Newsletter, Winter 1996, pp. 6-9, Rainier Valley Historical Society; Walt Crowley, National Trust Guide: Seattle, (New York: John Wiley & Sons, 1998), 221; "Kubota Garden," Seattle Parks and Recreation Department (http://www.ci.seattle.wa.us/parks/parkspaces/Gardens.htm). See Also: John Iwasaki, "John Kubota, 1917-2004: He Created Kubota Gardens," Seattle Post-Intelligencer, August 17, 2004 (http://seattlepi.nwsource.com).
Note: This essay was updated on August 26, 2004, and revised slightly on November 4, 2011.


Licensing: This essay is licensed under a Creative Commons license that encourages reproduction with attribution. Credit should be given to both HistoryLink.org and to the author, and sources must be included with any reproduction. Click the icon for more info. Please note that this Creative Commons license applies to text only, and not to images. For more information regarding individual photos or images, please contact the source noted in the image credit.
This work is licensed under a Creative Commons Attribution-NonCommercial-NoDerivs 3.0 Unported License
Major Support for HistoryLink.org Provided By: The State of Washington | Patsy Bullitt Collins | Paul G. Allen Family Foundation | Museum Of History & Industry | 4Culture (King County Lodging Tax Revenue) | City of Seattle | City of Bellevue | City of Tacoma | King County | The Peach Foundation | Microsoft Corporation, Other Public and Private Sponsors and Visitors Like You